XOG: Shirka Villa Somalia Ka socda Oo Madaxda Qaar Iskaga Baxeen

0
83

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad usheegay in shirka ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maalintii afaraad galay.

Shirkaan ayaa waxa uu lugaha la galay khilaaf cusub iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani uusan maanta ka qeyb gelin kulanka.

Wax yar kadib kulanka markii uu furmay Maanta waxaa iyagana xanaaq uga baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Kan HirShabelle Maxamed Cabdi Waare.

Dib ugu laabashada Heshiiskii Dhuuso mareeb 3 oo la dhaqan geliyo ayaa ka mid ah waxyaabaha la isku qabtay ayna Madaxda qaar soo jeediyeen hadii heshiiskaasi lagu noqonayo la aado Dhuuso mareeb.

Qodobada la isku mari waayey waxaa ku jira in la dhimo awooda Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya balse uu taasi diiday Madaxweyne Farmaajo.

Shirka waxaa hadda ka qeyb galaya oo iskugu soo haray Madaxweynaha Galmudug,Axmed Qoor qoor,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta gareen iyo Madaxweynaha Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Lama oga waxyaabaha kasoo bixi doono shirkaan oo ay Madaxda qaarkood ka caroodeen qodobada ayna shirka iskaga baxeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here