(Xog) Wafdigii beesha Hawiye oo wejigabax kala soo laabtay Baydhabo

0
10

Guddi ka kooban 13 xubnood oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibanao ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay u ambabaxeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay maalintii shalay ahayd

Wafdigan oo ah Guddi ka kooban 13 xubnood oo habeen hore la magacaabay, kaddib markii ay shir isugu yimaadeen Wasiirada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee cabashada ka keenay saamiga laga siiyay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, waxaana kamid ah, Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo Xubno kale.

Wafdiga ayaa markii ay tageen magaalada Baydhabo waxaa qaabilay Cabdicasiis Laftagareen, waxaana la isla lafa guray cabashada ay u yimaadeen wafdiga magaalada Baydhabo.

Xil. Islow oo hadalka furay ayaa u sheegay Laftagareen in beesha Hawiye lagu dulmay xulista xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed wuxuuna u sheegay Cabdicasiis Laftagareen in arrintan ay tahay muhiimadda socdaalkooda.

Waxaa sidoo kale meesha ka hadlay Xil. Carabow oo u ekaa nin aan u diyaarsaneyn dooda loo soo safray ayaa hadal ku bilaabay “Beesheyda si aad ah ayaa loo dulmay waxaanan kaa rabaa galabta in aad ii sheegtid sababta ay ku dhacday in ay beesha Abgaal Daauud aanay u helin xildhibaan”

Laftagareen ayaa su’aal weydiiday Xil. Carabow “Xildhibaan adigoo mahadsan waxaad ii sheegtaa hal degmo ama tuulo ay beeshaada degto oo ku yaal deegaanka Koofur Galbeed” Xildhibaan Carabow ayaa ku jawaabay “JASIIRA” qosol iyo kaftan kaddib ayaa laga codsaday Xildhibaan Carabow in uu halkaa uga haro doodiisa.

Laftagareen ayaa su’aal weydiiday Xil. Carabow “Xildhibaan adigoo mahadsan waxaad ii sheegtaa hal degmo ama tuulo ay beeshaada degto oo ku yaal deegaanka Koofur Galbeed” Xildhibaan Carabow ayaa ku jawaabay “JASIIRA” qosol iyo kaftan kaddib ayaa laga codsaday Xildhibaan Carabow in uu halkaa uga haro doodiisa.

Laftagareen ayaa u sheegay wafdiga in maadaama uu saaxiibo badan ku leeyahay beesha Hawiye uu weli xishood muujiyay, balse dadka degaanka oo aan la tashtay waxay igula taliyeen in aan wax xildhibaan ah aanan la siin beesha Hawiye” Balse anigoo tixgelinaaya saaxiibada aan ku leeyahay beesha Hawiye ayaan idiin siiyo Xildhibaano, ee intaas calfada.

Xildhibaan Islow ayaa hadalka qaatay oo ku yiri “Cabda Casiis Lafta Gareen annaga oo gacan maran kama laabaneyno Baydhabo ee wax noo sheeg” Laftagareen ayaa ugu jawaabay “Aniga ayeey iga go’adaa go’aanka reer Koofur Galbeed, Wasiir idinka ma u qaadi kartiin go’aan beesha Hawiye? Looma jawaabin sidaa darteed ayuu hadalkiisa ku soo afjaray, “Cidda ay ka go’do go’aanka beesha Hawiye iyo Aniga aan iska aragno arrintaan ee intaad dib ugu noqotiin ballan noo sameeya aan xal ugu helno arrintaan. Wuxuu intaa sii raacsiiyay “Aniga dhigeyga Cumar Finish ayaa filaayay in uu wafdiga ka mid yahay, balse ma aqaan sabab aad uga soo tagteen, aniga iyo Cumar Finish waa dhameyn karnaa arrintaan” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.

Beesha Digil Mirifle ayaa in dhaweydba iska aaminsan in aay xaq ku leeyihiin gobolka Banaadir kaddib markii Guddooyihii hore Taabid Cabdi uu xil sare u magacaabay gabar ka soo jeeda beesha Digil iyo Mirifle.

Safarka wafdiga beesha Hawiye ayaa ku soo idlaaday fashil waxayna Muqdisho kusoo laabteen iyagoo kusoo hungoobay hamigii ay u tageen Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here