XOG-WAREYSI SIYAASADEED FARMAAJO Q.1aad

0
370

Annigoo ah Isaaq Hassanow oona ka tirsan warbaahnita southern media, waxaan halkaan mahad ballaaran uga jeedinayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ii ogolaaday inaan kula kulmo xafiiskiisa oo xog-wareysi gaar ah halkaa kula yeesho. Waxay ii ahayd fursad dahabi ah inaan fool-ka-fool ula kulmo Madaxweynaha xog wareysi aad u dheerna uu halkaa nagu dhexmaro.

Isaaq southern media : Mudane Madaxweyne, mar kale mahadsanid. Intaanan guda gelin su’aalahayga xog wareysiga ah, waxaan wataa laba codsi: koow, inaad ii fasaxdo in waxaan doono ku weydiin karo dammaanad buuxdana igu siiso inaan waxba la ii raacaneynin hadday su’aalahaygu kugu qallafsanaadaan -maalmahaan xaaladda caadi ma ahane – ; laba, inaadan jawaabaha ii diblumaasiyeynin ee sida runta biya kama dhib caanka iigu jawaabto.

Madaxweynaha: Dammaanad buuxda ayaad haysataa inaan waxba laguu raacaneynin wixii aad ku hadasho fadhigaan; midda ku saabsan qaab jawaabeedkeyga waxaan isku dayi doonaa inaan kuugu jawaabo xaqiiqada ay ku dul wareegeyso siyaasadda dalkeena.

Isaaq: Mudane Madaxweyne, waxaad ahayd madaxweynihii ugu shacbiyadda badnaa ee dhowaanahaan dalka soo mara, ballanqaadyadii aad sammaynaysay xilligii ololaha doorashada waxay soo jiiteen quluubta shacabka, si aad iyo aad ah baa laguugu hanweynaa inaad siyaasadda dalka ku hagi doonto doonista shacabka Soomaaliyeed. Hayeeshee, wixii aad ballanqaadday oo dhan waad jebisay. Ma waxay kaa ahayd inaad nagu soo xero geliso runtana waad nagu dhaqaysaa, mise wax kalaa jira? Madaxweyne, maxaa is beddelay?

Madaxweynaha: Siyaasadda markaad banaanka ka joogto iyo markaad gudaha u gasho way kala duwan tahay. Haddaan runta kuu sheego, sida adigaba aad carrabka ku dhufatay waxaan nasiib u helay inay shacabka Soomaaliyeed i siiyaan taageero buuxda oo aan dhowaanahaan la siinin madaxweyne kale. Nimco walba dhibteedey wadataaye, taageeradaas xad dhaafka ahayd ee aan helay ayaa ‘quwadaha qarsoon’ ee daaha gadaashiisa ka maamula siyaadda dalalka soo koraya, sideenoo kale, waxay u arkeen fursad ay ku beddeli karaan wajahaddii ay markeedii hore ku socotay siyaasadda dalkeena. Isla markii aan ku guuleystay kursiga, waxaa la isoo hordhigay qaabka siyaasadeed ee quwadaha qarsooni u doonayaan inaan siyaasadda dalka ku hago. Waxaa lay kala dooran siiyey inaan qaato qorshahooda siyaasadeed sidaasna aan ku gaarno dowladnimadeena ama inaan ka hor imaaddo qorshahooda sidaana aan ku weyno dowladnimadeena. Waxaan doortay inaan qaato qorshahooda siyaasadeed si aan bal dowladnimo buuxda u gaarno.

Isaaq: Maxaa laakiin sow kuuma furnayn inaad xilka iska casisho kol haddii culayska intaa le’eg uu kaa hor yimid intii aad ka hor iman lahayd nidaamkii dowladnimo ee ay Soomaali horey ugu heshiisay, adigana lagugu doortay?Madaxweyne, ma ballanqaadyo kale oo laguu ballanqaaday oo aad u xilatay baa jira?

Madaxweynaha: Way ii furnayd inaan is casilo laakiin is casilaaddii aan kal hore iska casilay Ra’iisulwasaarenimada ayaan ka shallaayey maxaa yeelay waxay igu noqotay qodob ay igu dacaayadeeyaan mucaaradkeyga. Annigoo dhacdadaas niyada ku haya ayaa lababada xaaladood markaan qiimeeyey baan go’aankaas qaatay. Wayse jirtaa in la ii ballanqaaday inaan ahaan doono Madaxweynaha dalka muddada soddonka (30) sano ee soo socda si dalku uu u yeesho ‘dowlad dhexe oo adag’ isla markaana talada ay ugu jirto gacan aamin ah oo ay isku hallayn karaan ‘quwadaha qarsoon’ ee doonaya inay dalkaan maalgashadaan.

Isaaq: Ma waxaad ula jeeddaa in wax doorasho ah ka dhici doonin dalka muddada aad sheegtay iyo soddonka sano ee soo socota?

Madaxweynaha: Maya, doorasho xor iyo xalaal ah sida tii ka dhacday Koofurgalbeed ayaa dalka ka dhici doonta. Xisbiyada siyaasadeed way tartamayaan, doorashaa la qabanayaa laakiin talada dalka waxay mar walba ku jiri doontaa gacan u aamin ah ‘quwada qarsoon’. Masar doorasho xor iyo xalaal ah baa ka dhacday waxaa lagu doortay Madaxweyne Siisii sidaasayna dowlad ku yihiin; Ugaandha doorashooyin xor iyo xalaala baa ka dhacayey soddonkii sano ee lasoo dhaafay waxaana mar walba la dooranayey Madaxweyne Muzaveni sidaasanya dowlad ku yihiin; sidoo kale Rwanda waxaa ku dhowaad soddon sano talada dalka haya Madaxweyne Paul Kagame. Dhammaan dalalkaas waxay leeyihiin baarlamaano, maxkamado dastuuriya iyo weliba dastuur u qoran haddana talada dalalkooda waxay ka go’daa Madaxweynaha oo keliya. Maxaa noo diidaya annagana inaan sidaas yeelno, waxaan u baahannahay ‘dowlad dhexe oo adag’.

Isaaq: Mudane Madaxweyne, muddadii lagu jiray dowladihii adiga kaa horeeyey hadal-haynta ugu badan ee siyaasadeed waxay ahayd: dowlad fadaraal dimuqraaddiya, dhammaystirka iyo ku dhaqanka dastuurka dalka, awood qaybsiga siyaadadda, doorasho qof iyo cod ah 2020, dhismaha maamul-goboleedyada iwm. Dowladdaaduse waxay ku howlan tahay burburinta dhammaan qodobada aan soo xusay, xaggee ayey wax iska qaban la’yihiin?

Madaxweynaha: Qodobadaas aad xustay badankooda waxay ahaayeen istiraatiijiyado siyaasadeed looga gudbayey xaalado siyaasadeed oo markaa jiray. Tusaale, awood qaybsigii 4.5 waxaa looga gudbayey marxaladdii siyaasadeed ee qabqablayaasha; dimuqraadiyad waxaa booska looga saarayey siyaadaddii islaamiyiinta; maamulgoboleedyada waxay ahayd siyaasad lagu kala dhantaalayo midnimada qaranka waxaana siyaasaddaas dabada ka riixayey taliskii Tigreega. Dowladda aan aniga Madaxweynaha ka ahay waxay dalka u gudbinaysaa marxalad siyaasadeed ku dhisan gaaridda ‘dowlad dhexe oo adag’ si aan dib ugu soo celino qabkii ay Soomaali ku lahaan jirtay caalamka.

Isaaq: Madaxweyne, maxay tahay sirta ka dambeysa inaad ka adkaato qof walboo aad siyaasadda isku qabataan weliba adigoo u marayo waddooyin aan waafaqsaneyn sharciga iyo nidaamka dowladeed ee maamul-wanaagga ku dhisan? Haddana kaaga darane, ay beeshii caalamka indhaha kaa daawanayso sidii inay raalli kaaga yihiin qaab dowladeedkaaga keli talisnimada qayaxan ku dhisan?

Madaxweynaha: Marka hore waxaad meel ku qorataa, sidaan horey kuugu soo sheegay, qaab dowladeedka aan wado waa barnaamij ay soo dejiyeen, maalgelinayaan, gadaalna ka riixayaan ‘quwadaha qarsoon’. Dagaalka aan la galo qolyaha iga soo horjeeda waa saddax heer. Heerka koowaad waxaa ka cayaara xubnaha dowladdayda oo ay hormuud ka yihiin Wasaaradaha Arimha Gudaha iyo Amniga ee Federaalka. Qoladii aan kaga adkaan weyno heerka koowaad waxaa soo faragelinaya ‘quwadaha qarsoon’ ee ku jira heerka labaad. Wixii heerkaas labaad loogu taag waayo waxaa looga yeerayaa Xalane si loo soo tuso burhaanta iyo awoodda rasmiga ee qorshaha wadata. Qolyaha aan heerka koowaad kaga adkaanay waxaa ka mid ah Hirshabeelle iyo KoofurGalbeed; qolyaha aan heerka labaad kaga adkaanay laakiin weli is giijinaya waa Galmudug; qolyaha kalee harsan ayana isla waddadaas ayey mari doonaan. Way naga go’an tahay in dhammaan maamulgoboleeddadu hoos yimaadaan Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka si dalku u yeesho ‘dowlad dhexe oo adag’.

Isaaq: Madaxweyne, maxaad noogu fasiri kartaa inaad ciidan shisheeye (Itoobiya) u adeegsatay dabeedna ku xasuuqday shacabkii aad Madaxweynaha u ahayd ee Koofur Galbeed (Baydhabo), ka dibna aad soo qafaalatay muwaadhin Soomaaliyeed (Mukhtaar Roobow) oo si sharciya isugu soo sharraxay madaxtinimada Koofur Galbeed?
Waxaad kasii dartay, Mudane Madaxweyne, markaad Baydhabo intaad tagtay aad u hambalyeysay ciidamadii xasuuqay shacabkaaga, falxumadii meesha ka dhacdayna aad ku tilmaantay doorasho ‘xor iyo xalaal’ ah. Madaxweyne sidee wax yihiin?

Madaxweynaha: Ha isoo xusuusin, dhacdadaan waa dhabarjabka ugu weyn siyaasadeed ee aan ilaa hadda la daalaa dhacayso dowladdeyda. Waa dhacdo kala qaybisay ‘quwadihii qarsoonaa’ sidaasna aan ku weyney dhaqaala fara badan oo lasiin jiray dowladda, khilaafkii dhacdadaas ka dhashay iyo dacwadeediina ay weli taagan tahay. Waxaanse kuu caddaynayaa sababta Roobow loosoo xiray ma ahayn nacayb aan u qabno ee waan ka cabsannay. Quwadaha qarsoon iyo Dowladda Fadaraalka oo isku dhinac ah waxaan ka cabsannay in hadduu Roobow madaxweyne ka noqdo Koofur Galbeed ay naga kala dhantaalanto qorshihii noo degsanaa ee aan rabno inaan ku gaarno dowlad dhexe oo adag. Siyaasiyiinta Beelaha Soomaaliyeed (Daarood, Hawiye iyo Dir) iyana waxay ka cabsanayeen in haddii Roobow meesha yimaaddo ay ku waayaan danihii ay ka lahaayeen Koofur Galbeed. Siyaasiyiinta Digil/Mirifle, heer fadaraal iyo heer gobol, waxay ka susul duubka ugu badan ugu jireen oo habeen iyo maalin ay nala hortaagnaayeen in laga hor leexiyo Roobow. Waxay ka baqayeen in isbeddelka siyaasadeed ee uu Roobow ku keeni doono Koofur Galbeed ay ku waayi doonaan boosaskooda. Waxaaba intaasoo dhan kasii daray odayaasha beesha (Leysaan) ee uu kasoo jeedo Roobow oo iyana cabsida Roobow nala qabay iyagoo iyana u baqayey boosadkooda iyo saameynta uu ku yeelan karo hadduu Roobow talada qabto. Hadda waxaan dadaal ugu jirnaa sidii aan ku qancin lahayn wadaadka iyo weliba inaan xaal iyo magdhow ka bixino qaladkii dhacay.

Isaaq: Waxaad dhowr jeer ku celcelisay ereyada ‘quwada qarsoon’ iyo ‘qorshahooda siyaasadeed, haddaba maxay yihiin quwadahaas qarsoon muxuuna yahay qorshahooda siyaasadeed ee ku aaddan Soomaaliya, manoo sheegi kartaa Madaxweyne?

Madaxweynaha: Quwadaha qarsoon waa quwadaha waaweyn caalamka ee sida gaarka ah u daneeya si toos ahna gacanta ugu haya dowladdeena hadday ahaan lahayd dhinac taakula dhaqaale, mid milateri iyo siyaasadba. Qorshahooda siyaasadeed waa mid ay faa’iido ugu jirto labadeena dhinacba waana qorshe salka ku haya ‘soo saaridda khayraadka dalka’. Khayraad soo saariddaasoo u baahan maalgashi xoog leh oo mudda dheer ay qaadanayso ka faa’ideysigiisa. Maalgashigaas oo u baahan xasillooni siyaasadeed uu dalku yeesho. Xasilloonidaas siyaasadeed oo ay u arkeen in lagu gaari karo dalka oo yeesha dowlad dhexe oo adag. Dowlad dhexe adag oo ku iman karta inuu dalka yeesha hal Madaxweyne ka taliya dowlad dhexe oo adag.

La soco qaybta labaad……., Barteena internetka southern media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here