Xog Xasaasi Ah Qooska luul isaaq oo walaac ka muujiyay arimaha booliska ay ka damacsan

0
359

Qooska luul isaaq oo walaac ka muujiyay arimaha booliska ay ka damacsan
Qooska ay ka dhalatay Luul isaaq ayaa sheegay in ay la kulmeen saraakiil katirsan hay’ada ciidanka Magalada Baydhabo waxeyna sheegeen in loo xaqiijiyay arimaha gabadhooda in ay ka dhamaan la’dahay booliska oo la ogeen waxa kale oo lagu haysto
Qoska luul ayaa loo cadeeyay in ay luul shilka gaariga mooyee aysan jirin wax kaloo ay galabsatay shilkana uu yahay mid markii xabada lagu riday Ka Dib uu dhaqaaqay gaariga sidaana uu ugu dhacay gaariga kale,
Ehelaka iyo asxaabta oo sii aad ah u daba gashay warbaahinta wadaninews24 online ayaa sheegay in aan jirin wax dembi ah oo ay gashay Luul ayna ka madaxbanaan tahay dilka marxuum Maxamed Aadan Deerow.


Kiiska dilaka ayaa waxaa loo xiray ninkii xabada ku furay gaariga ay saarnaayeen Luul iyo Maxamed ayadoo aan weli la hor keenin maxkamada cadaalada dilaaga gaariga xabada ku furay oo ay ku cadahay Dilka inuu asiga Gaystay lana doonaayo dilkaas marxumka La siyaasadeeyo waa siday hadalka udhigeen dadkii arinkaan ka war hayey inkastoo gacanta booliska KGS ugu jiro.
Sikasta ha ahaatee booliska Baydhabo ayaa si sharci daro ah ugu haysta saldhiga Magalada baydhabo ee Xaruunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Luul isaaq ayadoo haysata Caruur agoon ah oo aabahooda dhintay aynan jirina cida ka warhaysa ilmaheeda.


Sidaad lasocoteen Kiiska ayaa waxaa uu galay qoska taliyaha booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya si daas darteed ayaa ladoonayaa in uu lumiyo cadaalada taliyaha saldhiga oo horay bilaa maxkamad uga sii daayay askar lagu eedeeyay in ay bambo gacmeed ku tuurey askar kale iyo dad shacab ahaa oo degaanka degan ma ahan markii koowaad oo taliyahay lug soo gasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here