XOG:Wafdi hogaaminayaan Xasan Sheekh &Sheekh Shariif oo kuwajahan magaalo lagu balamiye si Kismaayo loogu sii qaado

0
112

Warar lagu kalsonaan karo aan ka heleyno Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shegaayo in u safri donaan magaalada Nairobi si halkaas oga soo qaado diyaarada lasheegay in iibsatay Jubbaland.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa in gaaraan magaalada Kismaayo ayagoo hogaaminaayo wafdi aad u sareeyo oo katirsan kooxaha mucaaradka.

Qaban qaabo ugu diyaar garoowayaan labadaan masuul iyo xubno kale oo katirsan mucaaradka ayaa caawa kasocda magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in beri u dhoofaan magaalada Nairobi si halkaas oga sii gudbaan.

Dowlada soomaaliya ayaa hore Sheekh Shariif oga joojisay duulimaad oo ku aadi lahaa magaalada Kismaayo si oga qeyb galo caleema saarka saaxiibkiis hore Axmed Madoobe.

Dowlada Soomaaliya ayaa siweyn oga soo horjeydo maamulka Axmed Madoobe oo dib loo doortay sida ay sheegana masuuliyiinta maamulkaas katirsan inkastoo dowlada aan ka heysan aqoonsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here