XUKUUMADA CABDICASIS MAXAMED XASSAN (LAFTA-GAREEN) OO HAL SANO JIRSATAY

0
83

19ka bisha Dec 2019 waxaa ay ku beegan tahay xiligii maamulka Konfur-galbeed loo dhisay dowlad gacan ku rimis ah oo dhismaheeda sababtay isku dhac udhaxeeeya ciidanka dowladda Ethiopia oo fadhigooda yahay AMISOM Sector 3 oo isugu jira labo qaybood, (¡) ciidan ka tirsan howlgalka midowga Africa ee loo aqaan Amisom, (¡¡) ciidan si sharci daro ah ku jooga dalka Soomaaliya, iyo shacab ka turjumayaa rabitaankooda oo taagersan Sheikh Mukhtar Roobow oo ahaa musharax haystay taagero shacab, siyaasiyiin, ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.
Rabshadaha ayaa biloowday 13ki Dec 2018 oo ahayd maalinti si sharci daro ah ay ciidanka Ethiopia ee sidaan horay uso sheegnay sharci darada ku jooga inta badan deeganada konfur galbeed ay magalada dhaxdeed ku dhex afduuben Mukhtaar Roobow iyagoo amar kaqaadanaya Villa Somalia si ay dhabada oogu xaaran musharax ay wataan, Abdiasis Lafta-gareen. Sido kale waxaa cadaadis siyaasad la saaray Madaxweyne Shariif Hassan oo markas waqtigiisa dhamaaday oo sido kale aha musharax doonayay in afar sano oo dambe uu xilka sii hayo, waa hadii uu ku guleeysan lahaa, ayadoo ay cadaadiskaas kaalin buuxda ay kaqaaten Isla ciidanka Ethiopia.


Kadib mudo sedex maalin ah oo shacabka ay banaan baxayeen, waxaa naftooda halkaas ku waayay 15 qof oo uu ku jiro xildhaan ka tirsan golaha deegaanka Konfur-galbeed sido kale ahaa xubin la tirsan gudigii loo xilsaaray doorashadi muranka badneed ee marka la qaban qaabinayay. Warar kala duwan ayaa sheegaya in xildhibaanka ay toogteen ciidanki laga keenay magaalada Muqdisho ayadoo Villa Somalia ay dareentay in xildhibaanka uu carqalad ku yahay danaha siyaasadeed ay ka leeyihin Konfur-galbeed.
Waqti yar oo doorashada ka harsan aya waxaa la dareemay xasilooni amni inkastoo ay shacabka ka qiironayen dadki laga laayay. Taas badalkeed, waxaa magaalada ka socday olole siyaasad oo uu waday Lafta-gareen oo aad dareemeysid in uu yahay mid munaasabkiisa uu wanagsanayn, inta qiimaysa siyaasada Soomaaliya ay sheegtay in uu Lafta-gareen yahay madaxweyne Villa Somalia lagaso doortay.


Lafta-gareen waxaa uu ololihiisa ku balan qaaday in uu isbedeel keeni doono kaas oo saameynaya xaaladaha amni, siyaadsada, dhaqaalaha, arimaha bulshada, nabadeynta iyo sido kale la dagaalanka ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab. Sida aan wada ognahay qofka siyaasiga ah ee uturtamaya xilka madaxweyne waxaa laga filan karaa ugu yaraan in uu yahay qof leh qibrad siyaasadeed oo xambaarsan aqoon taas oo usahli karta in uu isbedel sameeyo, lakin Lafta-gareen ma ahan shaqsi leh labadaas astaamood toona.

Mudo sanad ah kadib marki uu kursiga Villa Southwest ku fariistay maxaa isbedel ah ayu sameeyay Lafta-gareen?.

Lafta-gareen aya la yimid siyaasad ka duwan tan ka jirta guud ahaan aduunka, gaar ahaan Soomaaliya. Waxaa uu sameeyay xukuumad ku dhisan dhalinyaro aan badankood lahayn aqoon dheeri ah shaqada loo xilsaaray. Taas aya sababtay in dib udhac fara badan uu ku yimid howlihii dowligi ahaa ee horay ooga socday Konfur-galbeed ee laga dhaxlay madaxweyne Shariif Hassan.

Balanqadyadii Lafta-gareen waxaa kamid ahaa.

In uu wax ka qabanayo cabashooyinka ay soo gudbiyeen gudiyada arimaha bulshada oo ka mid ah saamilayda siyaasada ee maamulka, balse waxaa ay walaac hor leh ka muujinayan siyaasada Lafta-gareen oo aad moodid in uusan waxba ka qaban balanqaabyadi uu usameeyay, iskaba daaye in uu daboolo baahiyo horay ujiray.
Sido kale arimaha amni waxaa daremeysa in ay xaalada waxba iska badalin, waloow ay muuqato in hoos udhac uu ku yimid amniga guud ahaan maamulka Konfur-galbeed.
Dhaqaalaha aad buu uliitaa. Maamulka Konfur-galbeed waa mid dhaqaale ahaan inta badan ku tiirsan dowladda dhexe, canshuurta kaso xaroota gobolka shabeelada dhexe gaar ahaan magaalada afgooye oo beeraheeda inta badan gobolada kale ee Soomaaliya ay aad oogu tiirsan yihiin, daqliga kaso gala qol madoow aya lagu qaybsada, ila wareedyo ka ag dhaw Lafta-gareen ay icadeeyay in uu qayb ku leeyahay canshuurta la boobayo oo bil kasta markey dhamaato ayadoo kaash ah loogu keeno Villa Southwest, Baidoa.


Maamulka Konfur-galbeed waxaa wada daga beelo aad ufara badan oo kaso kala jeeda qabaa’ilka wada daga guud ahaan Soomaaliya. Dagaaladi sokeeye oo dalka ka dhacay ayaa sababay in beelahaas badankood ay isku dagaaleen dhul daaqsin iyo beeraha. Balanqaadka Lafta-gareen waxaa kamid ahaa in uu gogol balaaran ufidin doono dhamaan reeraha gaar ahaan inta ay xintu dhextaalo. Lakin intii uu xilka hayay, waxaa dhacday in magaalada Baydhabo oo ah xarunta maamulka Konfur-galbeed ay isku dhex diriraan labo reer oo xigta ahaan isku dhaw, degaan ahaana daris ah. Dagaalkas oo socday mudo dhowr maalin ah aya waxaa uu sababay qasaare naf iyo maal intaba. Gudi aan qibrad ulahayn xalinta khilaafadka noocaas oo kale ah aya loo xil saaray, ilaa iyo hadana wax xal ah oo ay ka gaaren ma jirto. Sido kale odeyaashi dhaqanka ee soo jireenka ahaa aya iyagana awoodi ay lahayen laga qaaday ayado loo arkay in ay siyaasad carqalad ku noqon karaan.


Dhanka kale dagaalka ka dhanka ah ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayan wali waxba laga qaban. Inta badan dhulka maamulka Konfur-galbeed waxaa gacanta ku haya Al-Shabaab, degmooyinka hoostaga maamulka ma ahan kuwo dhul ahaan isku furan, waxaa kaliya oo la isugu kala gudbo waa diyaaradaha. Qabiilada ku dhaqan deeganada maamulka ee dirirto dhextaal inta badan waxa ay cadaalad weydiistan ama ay garta udhiibtaan ururka Al-Shabaab. Ciidan iyo awoodi la isaga saari lahaay waxaa muuqata in lagu cadaadiyo shacabka kaso jeeda maamulka Konfur-galbeed.

Shacabka reer Konfur-galbeed waa dad ubisil in ay helaan dowlad ka shaqeysa danahooda gaarka ah iyo sidii loo horumarin lahaay deegaanka maamulka Konfur-galbeed. Lakin waxaa ay niyad jab iyo walaac ka muujinayan siyaasada xukumada uu hogaamiya Lafta-gareen. Indheergaradka kaso jeeda deeganada Konfur-galbeed ee aqoonta gaarka ah uleh Lafta-gareen aya sido kale walaac wayn ma muujinaya qalabka uu umaamulayo wax qaybsiga, ayagoo sheegay in uu laso baxay dabeecad aad ufool xun oo ah in dad wada dhashay uu kala qaybiyo asago qabyaalad iyo cadaalad daro. Waxaa ayna kula talinayaan in uu ka fogaado fal kasta oo keeni karaa nacayb hor leh iyo kala fogaansho.
Hogaamiyaha waxaa laga rabaa in uu ahaado mid udhaga nugul dhamaan shacabkiisa, mucaarad iyo muxaafid, ahna mid dhageysta dhaliisha loo sojeedinayo dadkiisana aan iska qarin oo fagaare intuu soo istaago wixii su’aal ahna ka jawaabi kara, macaan iyo qaraar.

Tusaale, 19ki Dec 2019 ayado lagu jiro sanad guuradi 1aad ayaa gudiyada arimaha bulshada, ganacsatada, dhalinyada, isboortiga, Haweenka iyo waxbarashada waxaa loo balamiyay in ay isugu yimaadan maddal su’aalo lagu waydiinayo Lafta-gareen si ay cabashadooda ugu gudbiyaan cabashooyinkoda sido kale bogaadiyan waxyaabihi uu qabtay, waa hadiiba ay jiraan wax laqabtay, markii la isugu yimid madashii lagu balaamay aya gudiyadii kaso qayb galay loo sheegay in uusan imaaneyn Lafta-gareen lakin muhiimada kulanka uu yahay in gudiyada dhexdooda ay isxog-wareystaan saxaafadana ay muqaal ka qaadi doonto oo kaliya ay tahay in la amaano madaxweynaha lana bogaadiyo wax qabadkiisa dhiciska ah. Dadkii kaso qayb galay madasha aya aad ula yaabay arintaas oo dhab ahaanti cadeynaya fashilka iyo siyaasad xumada ka jirta maamulka dhexdiisa, waxa ayna taas ufasirteen in Lafta-gareen uusan hor imaan karin shacabkiisa iskana fogeynaya dhaliilaha iyo su’aalaha ka imaan kara shacabka reer Konfur-galbeed.
Maamulka Konfur-galbeed aya haatan udabaal dagaya maamul sanad jirsaday oo wax-qabad la taaban kara aan lahayn.
Dr. CALI CABDI BAAB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here